waa
Qaabnax: Qurub | Diirad, Particle | Focus
Macnaha:
- Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'.
- 1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.
- 1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli; waqti; jeer; goor.
- (jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

