jeer

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Goor; Waqti; Ammin. 2. J.ma: goorma?.
  2. (c.nafl.) Naasley beri biyood ah, xoog leh, af ballaaran, aan dhogor lahayn, lugo gaagaaban oo ku nool webiyada Afrika.

goor

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; kol; xilli; waqti; ammin. 2. G.tiiba: isla waqtigii. 3. Goor ka goor ama ka goor ka goor: waqti ilaa waqti.

waqti

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Waa; goor; jeer; shin; ammin. 2. Xilli; nur. ld wakhti.
  2. (fiis.) Summad t. Xaddiga sahla in aynu kala saarno laba dhacdo oo isku mid ah, kana dhacay isku meel. Gaalis u dhexeeya labadaa dhacdo ayaa ah aasaaska cabbirka waqtiga.

ammin

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Macnaha:

  1. Goor; waqti. ld immin.
  2. (nax.) Qaab faleedyo gaar ah oo waafaqsan amminka falka la sameeynayo sida “timaaddo”, “tagto” iyo “joogto” iyadoo laga ambaqaadayo waqtiga la soo saarayo hawraarta.

j

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

ma

Qaabnax: qr.diid

Macnaha:

  1. Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo. Tus. “Cali ma imaanayo”.
  2. 1. Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”. 2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid qofkaa?”.
  3. ld mise.
  4. 1. Meel. 2. (qr.we) Mehee?: meeshee?.