bilid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg bil².

bil

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-lo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.
  2. (bilay, bishay) 1. Wax kor u qaadid iyadoo madaxa laga sara mariyo. 2. Wax, wax qurxoon ka dhigid.