cabsiiQaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2Isrogrogga: (-iiyay, -iisay)Macnaha:Nafley cabsi ku abuurid.Biyo, caano iwm nafley af ka siin.Lamidka: Argaggax, Baqdin, WalwalSource: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur+Ku dar▲0▼0
argaggaxQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounMacnaha:1. Naxdin iyo cabsi weyn o qofka degganaanta ka lumisa. 2. ld argaggixid.Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumiya la kulmid (qof).Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0
baqdinQaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine NounMacnaha:Dareen geesinnimo la'aaneed oo xasillooni darro iyo welwel leh oo ku dhasha nafleyda marka ay dareento inay nafteeda halis ku jirto; cabsi.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0
walwalQaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine NounMacnaha:1. Layr qabow oo xilliyada qaarkood galabtii timaada; geyr. 2. Welwel, werwer. ld warwar¹, welwel¹, werwer¹.Cid walbahaarid. ld warwar², welwel², werwer².Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0