cadaadis

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. ld cadadin.
  2. (fiis.) Xoogga lignaan u saaran halkii halbeeg ee bed ah ama waa saamiga xoogga iyo bedka. Waxa lagu cabbiiraa Baaskal ama N/m2 (H.C).
  3. (siyaa.) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

saarid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg saar².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur