cadho

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Cudur nabarro iyo cuncun badan oo lays qaadsiyo.
  2. (daaw.) Caallir maqaarka oo uu keeno “sarcoptes scabiei”. Cadhadu waxay caan ku tahay cuncun badan weliba habeenkii, finan cascas, iyo aalaba caallir kale oo ka dul taga dhiigga. Deriskunoolka waxay dhex jeexdaa maqaarka ukumaheedana ku daadisaa, yaryarka ukunta ka soo baxana si sahlan ayey qofka kale u raaci karaan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur