darab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.
  2. 1. Toorrey, billaawe iwm daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay. 2. ld darib.
  3. 1. Wax diyaarin. 2. Weel aleelayn.

saxaro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Cuntada dadku cuno inteeda oogadu nacdo oo ka soo baxda futada; xaar.

darib

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Hilibka geela intiisa baruurta leh. ld darab² (2).