darsan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld darsin.
  2. ld daran².
  3. ld daran³.

darsin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Laba iyo toban (12) shey, isku nooc ah oo meel ku wada jira. ld darsan¹, dersin.

daran

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Geed yar, jaadad badan oo dhooddida iyo dibirka ka baxa oo dhanaan, geelu ku jeelbaxo leh.
  2. Ku d.: wax, wax kale ku qasan noqosho. ld darsan².
  3. 1. Wax karti badan ahaansho (qof). 2. Wax dhibaato badan ahaansho. 3. Ku d.: wax, wax kale ku qasan ahaansho. 4. Ku d.: qof balwad aad u isticmaala ahaansho. 5. U d.: wax cid dhibaateeya ahaansho. ld darsan³.