dhalid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg dhal². ld dhalis², dhalmo.

dhal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal/-llal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.
  2. 1. (f.g) Nafley rimman ubad dihasho. 2. (f.g) Geed miro iwm yeelasho. 3. (f.g) Caano la lulay subag yeelasho. 4. (f.mg) Ilmo if imaan. Tus. “Wiil baa dhashay”.

dhalis

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld dhalin.
  2. ld dhalid.

dhalmo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Soo saaridda nafley dheddig minkeeda ka soo saarto ilmo. ld dhalid.