ubax

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan; waa caleemo midabyo badan oo qurxoon; xay; man.

xay

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Ubaxa kiisa aan qaabka caleemaha lahayne u baxa sida bul ama cuntub ama xirmo yar oo dun ah. 2. Midabkiisu, sida xayga qaarkii, cadyahay.

man

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nan, m.l)

Macnaha:

  1. Ubax yar oo udgoon oo waqtiga jiilaalka geedaha qaarkood baxshaan.