dherer

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Salka iyo baarku inta ay isu jiraan, joog. 2. Wax dacalka uu ka bilowdo iyo ku dhammaado inta ay isu jiraan. 3. Fogaan.
  2. (ray, -rtay) 1. (f.g) Aad u sugid; raagsasho; dhaahsasho. 2. (f.mg) Taagnaan; likaysnaan.

fogaan

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg fog. ld fogaansho.
  2. (xis.) Summad d. Dhererka xarriijin u dhexeysa laba barood, xarriiqood sallax iwm. Tusaale ahaan, f.ta u dhexeysa laba xarriiqood oo barbarro ah waa dhererka xarriijin qotanta ee isku xirta labadooda; halbegga caalamiga ah ee f.ta waa mitir (m.).

raagsasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg raagso. ld raagsad, raagsi, raagsiino, raagsiinyo.

likaysnaan

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg likaysan. ld likaysnaansho.