fogaan

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg fog. ld fogaansho.
  2. (xis.) Summad d. Dhererka xarriijin u dhexeysa laba barood, xarriiqood sallax iwm. Tusaale ahaan, f.ta u dhexeysa laba xarriiqood oo barbarro ah waa dhererka xarriijin qotanta ee isku xirta labadooda; halbegga caalamiga ah ee f.ta waa mitir (m.).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fog

Qaabnax: Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4

Isrogrogga: (-gaa, -gayd)

Macnaha:

  1. 1. Wax durugsan ahaansho. 2. Ka f.: wax, wax kale ka durugsan ahaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fogaansho

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Macnaha:

  1. eeg fogow. ld Fogaan; fogaan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur