dhidib

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bbo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Qori dheer, xooggan, af fiiqan leh oo godadka aqal soomaaliga lagu qodo. 2. Qori yar oo godka dabinka gees laga geliyo oo lagu celiyo fitiligta. 3. ld dhidbid.
  2. 1. (xis.) Xarriiqda uu shaxan ku wanqaaranyahay. 2. (xis.) Mid ka mid ah xarriiqyada tixraac ee maguuraanka ah ee lagu isticmaalo garaaf ama habdhis kulan. 3. (xis.) Xarriiqda uu xood ama walaxi ku dul waniino.
  3. Wax si adag dhulka ugu aasid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhidbid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg dhidib³. ld dhidib¹ (3).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur