dhidid
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- 1. Qoyaan dufan leh oo oogada nafleyda ka soo baxa kolkay qorrax darteed ama xanuun la kululaato. 2. ld dhididid.
- (c.nafl.) Dareere qashin ah, oo ka kooban milan biyeysan oo soodhiyam koloraydh, yuuriya yar iyo walxo kale. shaqadiisu waxaa weeye qaboojinta jidhka iyo joogteynta heer kulka naasleyda.
- Nafley qorrax ama xanuun la kululaatay qoyaan dufan leh oogadeeda ka soo yaacid.

