diiq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld diig (-qaq, m.l) Digaagga kiisa lab. 2. Kalluun yaryar oo gudguduudan. 3. Ciriiri. 4. D. ah: si dhib leh.
  2. 1. Cunto, dhar iwm aan badnayn oo loo geeyo ummul, aroos, qof jirran iwm. 2. Allabbari dad isu keenaan. ld diiqo.
  3. 1. Wax sii yaraansho, sii liciifid. 2. U d.: cid dhibaataysan wax ugu deeqid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ciriiri

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Meel dhex mariddeedu dhib tahay yaraan awgeed. 2. Meel aan waxa ku jira qaadin, yaraan awgeed. 3. Wax heliddooda adagtahay. 4. Waqti aan ku filnayn in hawl lagu qabto. ld cariiri¹.
  2. 1. (f.g) Meel, ciriiri ka dhigid. 2. (f.mg) Ku c.: meel, wax qaadkeeda ka badan ku kordhin. ld cariiri².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

m

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ma') Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

Lamidka: ma'

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

diiqo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld diiq².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur