luuq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-qyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Wadiiqo yar oo aad ciriiri u ah hareerahana guryo ka xigaan.
  2. 1. Cod gaar ah oo gabayada iyo heesaha lagu qaado; cod lagu dheeraysto oo laga xareediyo. 2. ld laaq¹.
  3. (nax.) Weer qaybaheeda kala leh luuq kala duwan.

laaq

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Wax isku qasan. 2. Cod dad oo meel dheer laga maqlo.
  2. Wax isku qasid.