dir
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- Dad ama xoolo isku asal ah oo meel ka soo wada jeed; jaad; dhur.
- (baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, taasi oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku eg. Dirarka isu eg waxa loo kooxeeyaa faylan ahaan.
- (nax.) Waxaa lagu magacaabaa koox ereyo ah oo wadaaga hal ama dhawr dabeecadood, sida magacyada.
- 1. Wax meel joogay ama yiil meel kale aaddin. 2. Ku d.: qof, qof kale xumaan uga dheegid si uu ula colloobo.

