dirir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xiddig ifweyn oo naafaha ugu dambeeya oo u dhexeeya dirirday iyo garbo. 2. ld dirirsagaaro. D. cawleed: gu'ga bartamihiisa.
  2. Dagaal; colaad.
  3. Cid la dagaallamid.

dagaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Iska horimaad af ama addin ah, waxyeello lays gaarsiiyo oo dhexmara laba qof ama ka badan. 2. ld dagaalid.
  2. D./la d.: laba qof ama ka badan waxyeello af ama addin ah isgaarsiin.

colaad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Dareen nacayb iyo isdiidmo ku jira oo laba qof ama ka badan isu hayaan.

dirirsagaaro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Bartamaha guga. ld dirir (2).