jaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld qaad 1. Geed caleentiisa, laamahiisa curdanka ah iyo diirkiisa la calashado oo lagu marqaamo. 2. Nooc. 3. Kala jaad: kala duwan.
  2. 1. Qaad cunid. 2. Ku jaad: cid shaqo u xilsaarid.

Lamidka: qaad, nooc

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. ld jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. ld qaadid: magacyada lammaanan. Tus. “Dulqaadka”.
  2. 1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

nooc

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cac, m.l/-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Qayb wax ka mid ah oo leh tilmaamo u gaar ah; cayn; namuun.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur