dud

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Baadiye, duur.
  2. Cid meel wada deggan.
  3. 1. Qof caro muujin isagoo u fooltubaaya qofkuu u caraysnaa. 2. Gurigeeda ka tagid caro awgeed (qof haween ah). Tus. “Xaliima ninkeedii bay ka soo dudday”. 3. U d.: wax ul, gacan iwm u baacin.
  4. ld did.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

did

Qaabnax: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1

Isrogrogga: (-day, -dday)

Macnaha:

  1. Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iwm). ld dud².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur