dulsaar
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-rro, m.dh)
Macnaha:
- 1. Faa'iido laga helo lacag bangi la dhigtay. 2. Lacag dheeraad ah oo laga qaato lacag cid la amahiyey. 3. D. ah: qof ka shaqeeya hay'adda uu ka tirsanyahay mid aan ahayn. 4. D. ah: cid ciddii mas'uuliyaddu ka saarrayd aan ahayn la nool. 5. ld dulsaarid.
- Ood weyn oo godaha laga keymamiyo.
- 1. (f.lg) Ood weyn oo oodafada ka kormarid. 2. (f.g) Lacag la amaahday faa'iido dheeraad ah ku kordhin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

