rubisaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Faa'iidada la dul saarto lacag la is amaahiyey; dulsaar; korsaar; dheef. ld ribisaar¹.
  2. Lacag dulsaar leh cid amaahin. ld ribisaar².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dulsaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Faa'iido laga helo lacag bangi la dhigtay. 2. Lacag dheeraad ah oo laga qaato lacag cid la amahiyey. 3. D. ah: qof ka shaqeeya hay'adda uu ka tirsanyahay mid aan ahayn. 4. D. ah: cid ciddii mas'uuliyaddu ka saarrayd aan ahayn la nool. 5. ld dulsaarid.
  2. Ood weyn oo godaha laga keymamiyo.
  3. 1. (f.lg) Ood weyn oo oodafada ka kormarid. 2. (f.g) Lacag la amaahday faa'iido dheeraad ah ku kordhin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

korsaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Wax la iibinayo faa'iidada laga helo. 2. Dhinacdhow.
  2. 1. Sahay yar oo awrta rarkeeda dheeraad ku ah. 2. Raar aqalka miyiga dhalada laga saaro; dhalo-saar. 3. K. ah: sidiq.
  3. 1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax, wax kale ka kor marin. 2. (f.mg) U k.: badeeco iwm faa'iido saarid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dheef

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Fiitamiinka cuntada, caanaha iwm ku jiro. 2. Dulsaarka faa'iido ahaan looga helo lacag bangi la dhigtay.
  2. Ka dh.: wax faa'iido ka helid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ribisaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld rubisaar¹.
  2. ld rubisaar².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur