fidno

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Colaad iyo isnecbaan dad dhex taal, rabsho, qalaanqal. 2. Nin f. badan: fidnawale.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

nin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iman, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Qof lab oo qaangaar ah. 2. Qof lab ah oo wanaag iyo karti dheeraad ah leh. 3. Labada qof ee isqaba midka lab; say.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fidnawale

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-layaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. Qof dadka isku dira oo fidna ku dhex beera. ld fidmawade, fidmawale, fidnawade.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur