foog

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. F.ta/berri f.ta: maalinta gelinkeeda hore; subax. 2. Berri.

f

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (fa') Xarafka lixaad ee xuruufta afka soomaaliga, waana shibbane.

ta

Qaabnax: mu.ti.dh

Isrogrogga: (kuwa, w)

Macnaha:

  1. kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa Caasho”. ld tan (1)
  2. Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.

Lamidka: tan

subax

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Isrogrogga: (-xyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Qaybta ugu horreysa maalinta gelinkeeda hore.

berri

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld birri.
  2. 1. ld berrito. Maalinta maanta iyo saaddambe u dhexeysa. 2. B. dambe: maalinta b. xigta, saaddambe.