dabar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro/-bro, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Xarig gaaban, xaskul ka samaysan oo awrka labada lugood ee hore looga xiro si uusan u foogaan. 2. Xarig ama suun jilcan oo saca labada lugood ee dambe looga xiro marka la maalayo. 3. Midab casaan ah oo ilkaha dadka qaarkii yeeshaan.
  2. (kiim.) Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 >kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1).
  3. Sac ama geel dabar ku xirid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur