fuuq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-qyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Dhuunta baaruudda xabbadda qarxisaa ku jirto; qashir.
  2. 1. Shanqarta ka yeerta kolka biyaha, caanaha iwm xoog loogu soo nuugo bushimaha oo urursan oo loo dhoweeyo; fiq; fururuq. 2. In yar oo kol la fuuqsado. ld fiiq².
  3. Hoore si tartiib ah uga dhergid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qashir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qayb ka mid ah qaybaha xabbadda badanaa ka samaysan maar, leh qaabka dhululubada, oo ay ku dhex jirto baaruud, afka horena ku wadata sulub. 2. Gufarka caleenta shaaha ama bunka oo weelka salkiisa ku hara. ld gashir, qashar.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fiq

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Buurta meesha ugu sarreysa. ld fig.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fiiq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-qyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Caarad, af. 2. Qalista indhaha. 3. Qashin. 4. Meesha u sarreysa wax dheer.
  2. ld fuuq².
  3. 1. (f.g) Wax diir ka qaadid. 2. (f.g) Wax caarad dhuuban u yeelid. 3. (f.g) Indho qalid. 4. (f.g) Meel xaaqid. 5. (f.mg) Far ku f., gacan ku f.: wax dhuuban wax ku tilmaamid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur