gaafo

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Waqti dheer. 2. Miileysi; kaltan.
  2. 1. Bawdyo kala fogeyn (hal). 2. U g.: wax qabashadooda isu diyaarin. 3. U g.: wax baajintooda isku hawlid. 4. Ku g.: wax dhan walba ka marid.

Lamidka: miileysi, kaltan

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

miileysi

Qaabnax: Magac Lab | Noun Masculine

Macnaha:

  1. ld miileysasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kaltan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Miileysiga hawl qabashadeed la miileysto; moogtan.
  2. Hawl iwm. qabashadeeda miilaysasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur