gaw

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Isku g.: isku jin ah, isku jaan go'an. 2. (sh.r) ld gawsii. G. ka sii: cod lagu muujiyo wax tumidda. ld go.
  2. 1. Jar dheer; qar. 2. Weel afkiisa sare. ld go(ø).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

sii

Qaabnax: qr.fk

Macnaha:

  1. 1. (nax) Qurub tilmaamaya in falku uu ka fogaanayo hadlaha ama yeelaha. Tus. “Sii durug!. Guriga sii gal!” 2. Qurub tilmaamaya kordhin. Tus. “Arrintu way sii xumaatay”. 3. Qurub tilmaamaya sii socosho fal. Tus. “Hadalka sii wada!”.
  2. 1. Qof wax milki uga dhigid. 2. Qof wax u dhiibid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rar, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.
  2. (juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gawsii

Qaabnax: Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2

Isrogrogga: (-iiyay, -iisay)

Macnaha:

  1. Ka g.: wax tumid. ld gaw (2.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur