gommod

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Cudur raafafka ariga ku dhaca; raafdillaac. ld golrod.
  2. Cagta geela; cagaf.
  3. Cudur gommodka ka qaadid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

raafdillaac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (daawo) Cudur ku dhaca labada raaf ee xoolaha dhexdooda oo ka dhasha qoyaanka. ld raafqarrar.

Lamidka: raafqarrar

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

cagaf

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-gfo, m.dh)

Macnaha:

  1. Cagta geela. ld cuguf.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

golrod

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Cudur ariga qoobabka ka gala oo marka arigu meel dhiiqo ah ama qoyan maro labada qoob dhexdoodu dillaacyo raafdillaac. ld gommod¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur