guro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Meel godan oo gaadiid raran dushiisa laga sameeyo oo la saaro carruur, maqal iwm. 2. Rako.
  2. 1. (f.g) Wax meel yaal ka qaadasho. 2. (f.g) Miro geed ka goosasho. 3. (fg.) Cunto iwm weel ka baxsasho. 4. (f.mg) Kala g.: wax lagu tartamayey kala badin waayid. 5. (f.mg) Kala g.: waxyaalo isku dhex jiray kala saarid. 6. (f.mg) Kala g.: col is-hor fadhiya dib u kala qaadasho. 7. (f.mg) La g.: hadallo qadaf ah isdhaafsasho. 8. (f.mg) Dib u g.: si tartiib ah xeeladi ku jirto gadaal ugu noqosho.

rako

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Meel sare oo ku taal dusha geed, dhismo iwm oo wax la saarto ama la fuulo. 2. Meel ciriiri ah.