cay

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhareer; calyo.
  2. 1. ld caay 1. Hadal ama fal qadaf ah oo cid loola jeedo. 2. God, shabaq, siriq ama bir iyo dabin kale oo loo dhigo ugaarta si ay ugu dhacdo. 3. Geedaha beerta laga guro oo inta la aruuriyo la gubo.
  3. (caayay, cayday; caayi) Hadal ama fal qadaf ah cid u jeedin. ld caay².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhareer

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qoyaan layiig ah oo nafleyda afkeeda ka yimaada; cay. 2. ld dhareerid.
  2. Qoyaan layiig ah afka ka keenid (nafley).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

calyo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (c.nafl.) Dareere aan midab lahayn, qanjirrada xayawaanka ka yimaada oo cunnada jilciya; candhuufo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

caay

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld cay² (1).
  2. ld cay³.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur