illaacoQaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine NounMacnaha:Waxyeello la aaminsan yahay inay ka timid il dad; dhabato; il.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur+Ku dar▲0▼0
dhabatoQaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine NounMacnaha:Karti isha dadku leedahay oo la rumaysanyahay inay cid wax ku yeeli karto.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0
ilQaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine NounIsrogrogga: (-lo, m.l)Macnaha:1. (indho, m.l) Xubinta aragga. 2. Meel biyo ka soo burqadaan. 3. Siriq. 4. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato. 5. Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan. 6. Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0