jir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rar, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Oogada dadka. 2. Roob badan oo habeen da'a.
  2. 1. (f.g) Meel ku maqnaansho. 2. (f.g) Nafley iwm mudda noolaan. 3. (f.g) Wax sugnaantooda hubid. 4. (f.mg) La j.: xoolo ilaalin. 5. (f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid. 6. Jirtoo: waa yahay ee... Tus. “Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco!”. 7. Iska j.: Ka digtoonow! 8. Shay intuu ka fogyahay shay kale.

jirtoo

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. eeg jir 2 (6).