il

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-lo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. (indho, m.l) Xubinta aragga. 2. Meel biyo ka soo burqadaan. 3. Siriq. 4. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato. 5. Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan. 6. Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan.

siriq

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Qool xargaha iwm loo yeelo oo markii la dhufto isku roora.
  2. Il xarig isku roorid.

dhabato

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Karti isha dadku leedahay oo la rumaysanyahay inay cid wax ku yeeli karto.