jaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Uun rooxaan ah oo aan aadamuhu arki karin; jinni.
  2. 1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa.
  3. 1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

jinni

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Ilwaad; bilic. 2. (-iyo, m.dh) ld jin 1 (1).