jare

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. (-rayaal, m.l./dh) Xarig fardaha, lo'da iwm lagu qabto. 2. Shaxda marka hab dheelkeedu saddex isugu dhacdo. 3. ld jar 2. Hab fadhi ciyaareedka ka mid ah oo loo dheelo; daamad.

l

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (la', laan, laam)

Macnaha:

  1. Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

daamad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Cayaar shaxda u eg oo lagu dulcayaaro loox afar gees ah oo leh cadad midabaysan.

jar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Ariga intiisa cayillan ee laga ganacsado. 2. Roobka j. ah: roobka ugu horreeya guga. 3. (-rar, m.l) Qarka gawgiisa.
  2. Ciyaar fadhiga lagu dheelo sida shaxda iwm. ld jare (3).
  3. 1. Wax goyn. 2. Ciyaar turub haad la degey midkii lagu booleeyey ku qabasho.