jeedal
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-llo, m.dh)
Macnaha:
- Suun adag oo dabo la qabsado leh oo fardaha iwm lala dhaco si ay orodka u badiyaan; nadi. ld jeydal.
- (baay.) Shaabuug qaab dherer yar leh ilaa 150 maykaroon/m. oo laga helo oogaada unugyada qaarkood, gaar ahan unugyada taranka ee socda. Tusaale ahaan isbeermatosowa, bakteeriya iyo qaar ka mid ah borotosowa.
- Jeedal wax la dhicid.

