nadi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo/nadi, m.dh)

Macnaha:

  1. Jeedal yar oo faraska lagu dhufto si uu u dheereeyo; karbaash.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

karbaash

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-shyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Suun dhuuban oo dheer oo dabo la qabto leh, waxna lala dhaco, jeedal. 2. Calallo, jawaano iwm oo la isku tolo oo waxyeellada rarka looga celiyo gaadiidka.
  2. Wax jeedal la dhicid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur