joodari

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Gal weyn oo maro ah oo sariirta dherer la eg oo inta waxyaalo jilicsan sida cudbi, dhogor, isboonyo iwm laga buuxsho si gaar ah loo tolo, sariiraha la saaro oo lagu kor seexdo; koodari; kashkaash. ld goodari.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kashkaash

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Caws nagaar iwm oo aqallada lagu goglo, si reyska gogosha looga xijiyo.
  2. Caws, nagaar iwm aqal ku goglid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

goodari

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld joodari.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur