kicin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Isbeddel daruuraha iyo hawada gala kolka xilliga roobku bilaabanayo; kacsan.
  2. eeg kici.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kacsan

Qaabnax: Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4

Isrogrogga: (-naa, -nayd)

Macnaha:

  1. Wax aan degganeyn ahaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kici

Qaabnax: Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2

Isrogrogga: (-iyay, -isay)

Macnaha:

  1. 1. (f.g) Wax fadhiya istaajin. 2. (f.g) Qof hurda toosin. 3. (f.g) Qoraal hikaadin. 4. (f.g) Matoor iwm howlgelin. 5. (f.mg) Ku k.: col meel ku weerarid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur