kiis

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-sas, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dacwad maxkama-deed. 2. ld xiish. Xereynta geel laga xereeyo dad mag lagu leeyahay.
  2. 1. Wax cidid. 2. Dad mag lagu leeyahay xoolo ka xereyn.
  3. ld kiisa².

kiisa

Qaabnax: mu.lh.l

Macnaha:

  1. (kuwiisa, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Buuggaaga qaado kiisana meel u dhig”.
  2. Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Aaway qalankiisa?”. ld kiis³, ki, kii².