meerto

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, ml.)

Macnaha:

  1. 1. Si wareegto ah oo wax loo qaybsado; kaltan; miilo. 2. Meermeerto; mid². 3. M. ah: geel karreeb ah. 4. Marti muddo gaaban joogto.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kaltan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Miileysiga hawl qabashadeed la miileysto; moogtan.
  2. Hawl iwm. qabashadeeda miilaysasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

miilo

Qaabnax: Magac Dheddig | Noun Feminine

Macnaha:

  1. ld miile.
  2. ld miileyso.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

meermeerto

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Biyo mool ah oo xiis hoos ku leh. 2. Kukta madaxa meesha ay timuhu wareegga ka billaabaan. ld meertammeerto.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

mid

Qaabnax: m.l.t

Macnaha:

  1. 1. Erey wax lab oo keli ah tilmaama; hal. Tus. “Labadii m. baa yimid”. 2. Dad is-raacsan oo isku ujeeddo ah. 3. Kala m. ah: wax kala duwan. 4. Kala m. ah: fikrad, muuqaal, midab iwm cid ka raacid. 5. Jiididda la jiido shaqalka carabiga marka lagu dhawaaqayo.
  2. 1. (m.t) Wax tiro ahaan hal ah oo dheddig. 2. Meermeerto weyn oo biyaha baddu sameeyaan.
  3. Shaqal carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur