mid

Qaabnax: m.l.t

Macnaha:

  1. 1. Erey wax lab oo keli ah tilmaama; hal. Tus. “Labadii m. baa yimid”. 2. Dad is-raacsan oo isku ujeeddo ah. 3. Kala m. ah: wax kala duwan. 4. Kala m. ah: fikrad, muuqaal, midab iwm cid ka raacid. 5. Jiididda la jiido shaqalka carabiga marka lagu dhawaaqayo.
  2. 1. (m.t) Wax tiro ahaan hal ah oo dheddig. 2. Meermeerto weyn oo biyaha baddu sameeyaan.
  3. Shaqal carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid.

hal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Tirada eber iyo laba u dhexeysa; kow. Tus. “Wuxuu dhalay hal wiil iyo hal gabar”. 2. Eray; hadal. 3. H. ah: Wax isku duuban ama wada jira. Tus. “Annagu hal baynu nahay”. 4. Meel; xag. Tus. “Halkan dhig: meeshan dhig”.
  2. Neef geel dhedig ah oo curtay.