nafsad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Wax nafleyda ku jira oo aan la arkin, lana taaban karin, la'aanteedna aan la noolaan karin. 2. Niyad. 3. Tabar; itaal.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

niyad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld niyo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

tabar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Xoog; itaal. ld tabaro, tamar, tamaro.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

itaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Xoog.
  2. (fiis.) Summad 'I'(jabaq). Dhakhsaha ay tamarta jabaqda ku dhexmarto halbeeg bed ah oo ku ligan foolkabaahidda hirarka jabaqda. Itaalku waxa uu saamiggal quman la yahay laba jibaarka qotonka gariirka hawada. Halbeegga taalka waa desibal. b) eeg itaalka birlabeed. t) eeg itaalka danabka. j) eeg itaalka iftiimeed.
  3. Tabar leh noqosho.

Lamidka: Xoog

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur