qalaanqal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Qas; qulqulad; wareer.
  2. 1. Qas; qulqulad; wareer. 2. Geed-abaareed higlada u eg aan qodxo lahayn leh miro yaryar oo cas cas, dambaskiisana magaad iyo dawo cadhada lagu dhayo laga dhigto, oo xooluhu daaqaan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Rabsho iyo xasillooni la'aan. 2. Siil. 3. Gumaar. 4. Meesha ay iska galaan miskaha iyo sabiisha geela.
  2. 1. Milme iyo hoore isku labid. 2. Wax kala jaad ah isku darid. 3. Rabsho iyo xasillooni la'aan meel ka abuurid. 4. Ka q.: hadal, ciyaar iwm oo cid si wanaagsan ugu socotay ka dhabqin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qulqulad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Rabsho nabadda iyo xasilloonida wax u dhinta.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

wareer

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Madax-xanuun; madaxwareer.
  2. 1. Cid madax-xanuun dareemid. 2. Cid dayoobid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur