qayir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Wax siday ahaayeen si ka duwan noqda ama laga dhigo; beddel; doorsan.
  2. Wax midabkiisa, dhadhankiisa, urkiisa iwm. beddelid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

beddel

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld beddelid. Dhaafsashada wax wax kale la dhaafsado. 2. ld beddelid. Wareejinta qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo. 3. B. ah: qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo si uu hawshii halka uga si wato.
  2. Wax la beddelay ka dhigid; wax wax kale ku doorin. ld baddal².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

doorsan

Qaabnax: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1

Isrogrogga: (-amay, -antay; -ami)

Macnaha:

  1. Wax siduu ahaa si ka duwan noqosho. ld doorsoon² (2).
  2. 1. Wax siduu ahaa si ka duwan laga dhigay ahaansho. 2. Qof maankiisu beddelen yahay ahaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

beddelid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg beddel². ld baddal¹, baddalaad, baddalid, beddel¹ (1,2), bed.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur