1. ld beddelid. Dhaafsashada wax wax kale la dhaafsado. 2. ld beddelid. Wareejinta qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo. 3. B. ah: qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo si uu hawshii halka uga si wato.
Wax la beddelay ka dhigid; wax wax kale ku doorin. ld baddal².
(xis.) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).