qob

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Diir; dub; qolof. 2. Qof ducadiisa ama habaarkiisu kaco.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

diir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Kulayl, uumi.
  2. Dubka sare ee lafta geedka.
  3. ld diirdiir².
  4. ld digir².
  5. 1. Wax in yar kululaansho. 2. Qof, in yar xanaaqid.
  6. 1. Geed diir ka qaadid. 2. Wax qaawin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dub

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Maqaar, harag iwm. 2. Qolof adag oo ay dusha ku yeeshaan geedaha ama miraha qaarkood.
  2. ld dib¹.
  3. (c.nafl.) Qaybta adag ee weliba ah lakabka ugu hooseeya ee aragga lafdhabarleyda. Lakabka kale waad.ka bare. Haraggu wuxuu ka koobanyahay nudo isku xidhayaal miiqan, kuwaas oo ay ku dhex jiraan dhuumaha dhiiggu, (dhammaadka dareenwadka iyo naasleyda) goonka tina ah, qanjidhada dufanka iyo narinnada dhididka.
  4. Hilib iwm dab ku solid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qolof

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Isrogrogga: (-lfo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dubka sare ee geedaha. 2. Jilif xalleef ahoo ay nabarradu yeeshaan siiba marka ay biskoonayaan. 3. Dubka sare ee xammaaratada iyo mallayga.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur