qoolaab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qallooc; nadooc; qolxo. 2. Agaasin loo sameeyo dab shididdiis. ld qoolaaw¹.
  2. 1. Wax qalloocin. 2. Dab shididdii agaasimid. ld qolaab, qoolaaw².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qallooc

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Qaab dhan u janjeera oo aan toosnayn. 2. Q.ah: hadal aan munaasab ahayn.
  2. (juqr.) Golxo laga helo haloodka webiga, oo si isdabjoog ah ugu leex leexanaysa dhinac ilaa dhinac, iyada oo samaynaysa laabyo waaweyn markuu webigu ku socdo oo uu qoynayo dhul siman.
  3. Wax qaabkiisa dhan u janjeerin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

nadooc

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Loodsanka ku dhaca ul, rabar iwm.
  2. (nax.) Habdhac sarfeed oo hawshiisu tahay in salka (falka ama magaca iwm) la raaciyo kabayaal ama dhammaadyo muujinaya tirada, caynta iyo qofka.
  3. Ul, rabar iwm loodsan ku dhicid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qoolaaw

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld qoolaab¹.
  2. ld qoolaab².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qolaab

Qaabnax: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1

Isrogrogga: (-bay, -btay)

Macnaha:

  1. ld qoolaab².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur