qun

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-uman, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Labada qanjir oo kulkulucsan oo afka salkiisa labada dhinac kaga yaal middood. 2. Xanuun qanjirrada afka salkiisa ku yaal ku dhaca; majin; majinow; xoqato. 3. Duleelka yar ee wax laga arko ee diiradda. 4. Si toos ah oo aan laalaabasho lahayn.
  2. 1. Nafley meel ka tegid. 2. Arrin iwm si wanaagsan u fulid.

majin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Xanuun cunaha ku dhaca oo qof liqitaanka ku dhiba cunahana barariya mararka qaarkood. ld majinow, majimow.
  2. 1. Xubin ka mid ah addimada xoolaha oo u dhexeysa jilibka iyo qoobka. 2. Xirmooyin yaryar oo loo qeybshay marduuf qaad ah middood. 3. Xiddig naafaha ka mid ah oo u dhexeysa afqaysta iyo koxdinta. ld mijin.

majinow

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld majin¹.

xoqato

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Qalab yar oo bir ah oo af godan oo qumanka lagu xoqo.